Kiamayo,(insidesomalia.org)- Kooxo hubeysan ayaa caawa gudaha Magaalada Kismaayo waxa ay ku toogteen madaxii Hay’adda Horn Relif, iyadoo aan la ogeyn ujeeda kooxahan hubeysan ay u toogteen Mas’uulkaasi.
Mas’uulkaan caawa dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Baariyow,waxaana maanta uu ka yimid Magaalada Nayroobe ee Xarunta Wadanka Kenya.
Kooxaha dilka geystay ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen Bistoolado,waxaana lagutiradooda lagu sheegay 2 nin oo wijiga soo xirtay, islamarkaana baxsadey sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Hay’adda Horn Relif ayaa goobo wax barasho waxaa ay ka furtay guud ahaan Gobolada Jubooyinka, sida iskuulaad lagu barto Computerka iyo waxyaalo kale oo farabadan, waxaana dilka Mas’uulkaan ka xumaaday guud ahaan dadka ku dhaqanka Jubooyinka.